Waxaa goor dhawayd dib u qarxay dagaaladii ka socdey Magaalada Muqdisho, dagaalka ayaa hadda ka socda qaybo ka mid ah Degmada Kaaraan iyo Cabdicasiis, dagaalka ayaa ah mid culus oo kooxaha ka soo horjeeda dawladda ay doonayaan in ay kaabiga ku qabtan aqalka Madaxtooyada.
Dagaalkii shalay ayaa gelinkii danbe ku fidey goobo deganaa maalmihii la soo dhaafey sida Xaafadda Hodan oo uu ka dhacay dagaal kharaar inkasta oo labada dhinac wax horumar ah ka samayn, waxaana madaafiic lagu garaacay meelo ka mid ah Hawlwadaag.
Dagaalkii shalay ka dhacay degmada Kaaraan iyo Shibis oo ahaa mid aad culus ayaa Alshabaab Almujaahidiin iyo Xisbul Islaam ay sameeyeen horuymar ay ku soo rixeen ciidamada Dawladda, kadib markii ay heleen ciidamo badan oo gurmad ah, waxaana u suurta gashey in ay shalay dib u qataan rag lagu sheegay in ahaayeen ajaanib oo dagaalkii Arabacadii kaga dhintey.
Inta la ogyahay dagaalkii shalay waxaa ku dhintey 20 qof, waxaana isbitaalada magaalada buux dhaafiyey dhaawac aad u badan, kuwaan oo u badan dad rayid ah.
Dhanka kale ciidmada AMISOM ayaa maanta sugaaya go’aan u ogolaanaya in ay dagaalka qayb ka noqdaan isla markaasna weerar qaadi karaan, maadaama go’aanka hadda ay ku joogaan aanu u ogolaaneynin in ay qaadaan wax weeraar ah.
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia