Shir Looga Hadlayo HIV/AIDS oo Hargeysa Laga Furey


Shir ku saabsan isku xidhka hay'adaha ku howllan barnaamijyada ku xidhiidha cudurka HIV/AIDS ayaa Hargeysa laga furey.

Shirkaasi oo ka furmay Hotel Ambassador Hargeysa waxaa ka qayb gelaaya 65 Hay'adood oo ah kuwa samofalka waddaniga ah ee ka shaqeeya wacyigelinta dadweynaha ee khatarta cudurka HIV/AIDS oo ka kala yimid lixda gobol ee ay ka koobantahay Somaliland.

Shirkan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo ay isugu yimaaddaan tiro intaa le'eg oo ah ururada samofalku, wuxuu socon doonaa muddo shan maalmood ah, waxaana soo qabanqaabisay hay'ad samofal caalami ah oo la yidhaahdo ICD iyadoo kaashaneysa qaar ka mid ah ururada samofalka waddaniga ah.

Sida uu furitaankii shirkaasi ka sheegay Cabdikariim Axmed Mooge oo ka mid qabanqaabiyayaasha, waxaa ujeedadu tahay xoojinta wada shaqeynta hay'adaha samofalka ee ADSK-ka ka shaqeeya iyo sidii shirkaasi loogu aasaasi lahaa dallad guud oo ay ku kulmaan ururadaasi tirada badan ee ku howllan wacyigelinta dadka ee HIV/AIDS.

Mr Mooge wuxuu kaloo intaa ku daray in ujeedadu tahay sidii ururada loogu kala qorsheyn lahaa nooca iyo deeganada ay ka fulinayaan howlahooda samofaleed ee ku abbaaran sidii loo fahamsiin lahaa bulshada sida uu u fido AIDS-ku iyo sida looga hortago.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Qoyska, Faadumo Suudi oo iyaduna ka hadashay shirkaasi waxay ku nuuxnuuxsatay inaanay aheyn in NGO-du ka baayacmushtaraan howlahooda AIDS-ka ee loo baahanyahay hawlqabad dhab oo ku baahsan dhammaanba deeganada dadweynaha siiba dhulka miyiga ah.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadska Cismaan Qaasim Qodax, ayaa isaguna wuxuu ka sheegay madashaasi oo dadka ka soo qayb galay ay dhallinyaro wiilal iyo gabdho isugu jira u badnaayeen in xakameynta cudurka dilaaga ah ee AIDS-ku u baahanyahay inay dhammaanba qaybaha bulshadu ka qayb qaataan siiba haweenku.

Wuxuu sheegay Mr Qodax, in NGO-da looga baahan yahay inay leeyihiin khibraddii iyo cilmigii lagama maarmaanka u ahaa marka dadka loo soo bandhigayo halista cudrkan dilaaga ah ee aan weli daawada loo helin ee AIDS-ka.

Waxaa munaasabaddaasi ku soo bandhigay heeso ka tarjumayay in loo naxariisto qofka uu ku dhaco AIDS-ku fanaaniinta caanka ah qaarkood.

Published: Source: somaliuk.com

Related Articles