Maamulka Islaamiga ah ee Kisnaayo oo gurmadyo ciidan u diray guluf colaadeed oo kaga imanaya Dagmada Doolow ee gobalka Gedo


Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo ayaa shaaca ka qaaday in ay gurmad Ciidan u direen Guluf Colaadeed oo uu Hoggaaminayo Xildhibaan Barre Hiiraale kaasi oo uu ku doonayo in uu dib gacantiisa ugu soo celiyo Magaalada Kismaayo oo Kol hore uu ka arimin jiray.

Maamulka ayaa waxa ay sheegeen ujeedka Barre in uu yahay in uu kala dhantaalo, wiiqana Awoooda Nidaamka Islaamiga ah ee haatan ka hanaqaaday guud ahaan Jubooyinka iyo Gedo, isla markaasina ay Muhiim tahay bay yiraahdeen in dagaal Jihaad ah lagala hortago Barre iyo Maleeyshiyaadka uu horkacayo.

Madaxa Warfaafinta Maamulka Islaamiga ah ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan Ciidamo Itoobiyaan ah oo uu garabsanayo Barre Hiiraale kuwaasi oo yoolkoodu yahay in ay xoog ku qabsadaan Goobaha ay haatan ka arimiyaan Xoogagga Ururradda Islaamiga ah ee Soomaaliya.

Si kastaba arrintu ha ahaatee warar na soo gaaraya ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamo gurmad ah oo laga diray gudaha Magaalada Kismaayo ay gaareen goobaha ay isku horfadhiyaan xoogagga islaamiga ah iyo Ciidamada uu horkacayo Barre Hiiraale, waxaana haatan Magaalada Kismaayo siweyn looga hadal hayaa amuurtaasi iyadoona cabsi weyn laga qabo in Dagaallo ay dhexmaraan labadaasi dhinac.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles