Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Dowlada Federaalka KMG ah ee Somalia ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka la magacbaxay Somaliland, iyagoo horay u sheegay in xubnaha DF aysan imaan karin deegaanadooda, mas'uulkii ay qabtaan xiri doonaan.
Xildhibaan ka tirsan dowlada Somalia oo Muqdisho ku sugan ayaa xaqiijiyay Garowe Online in mudanayaashan oo tiradoodu ay gaarayso 3-xubnood ay la joogaan qoysaskooda, dibna ugu laaban doonaan caasimada.
Mudanayaasha DF ka tirsan ee tagay Hargeysa waxaa ka mid ah: Xil. C/llaa Xaaji Cali, Axmed C/llaahi Daakir iyo mudane kale oo Diaspora ah, iyadoo la sheegay inay xukuumadda Riyaale ka warhayso mudanayaashaas.
"Xildhibaanadan waxay si xoriyad ah ku joogaan Hargeysa, waxayna muddo dheer kadib la midoobeen qoysaskooda, mana jirto dhibaato haysata" ayuu yiri xildhibaan magaciisa qariyay oo u wargay warsidahan.
Maamulka Riyaale oo sheegtay inay ka go'een Somalia inteeda kale ayaa waxay horay u soo saareen amaro ay ku diidayaan in xubnaha DF ay tagaan Somaliland, iyagoo sanadkan bilowgiisa xiray mudane ka tirsan Baarlamaanka Somalia oo diyaarad ku marayay halkaas.
Xildhibaanadan ayaa todobaadyo ka hor ka dhoofay garoonka Muqdisho, iyagoo aaday Magaalada Nairobi, halkaasoo uga dhoofeen Hargeysa, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan inay casuumaad ka heleen xukuumada Riyaale.
Mudanayaasha Baarlamaanka DF Somalia ayaa hadda bilaabay inay diyaarado ku maraan garoonka Hargeysa, kuwaasoo kusii jeeda dalka Djibouti iyo Imaaraadka Carabta; mana jirto dhibaato kaga timaada maamulka halkaas ka jira.
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia