Kooxaha Mucaaradka oo aad loogu laayay Dagaalkii shalay


Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in dagaalkii gelinkii dambe ee shalay ka dhacay degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir lagu laayay ciidamo badan oo katirsan kooxaha mucaaradka.

Ciidamadaasi ay laayeen kuwa dowladda ayaa lasheegayaa in ay kujiraan kuwa ajaanib ah waxaana meydadkooda qaar gacanta kudhigay ciidamada dowladda oo doonaya in ay warbaahinta u soo bandhigaan.

Sababta keentay in la laayo kooxaha mucaaradka ayaa ah kadib markii dhinacyada xaafadaha ay kasoo galeen ciidamada dowladda taasi oo sababtay in kooxaha mucaaradka oo isugu jira xisbul Islam iyo shabaab ay xaafado kale ku cararaan kadibna luuq luuq looga soo baxay sidaasina lagu laayay maadaama aysan xaafadaha kala aqoonin.

Meydad kale ayaa lasoo sheegayaa in uu yaallo waddooyinkii shalay lagu dagaalamay halkaasi oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac iyadoo dhinac walibana ay doonayaan in ay la wareegaan meydadkaasi oo ay kujiraan kooxo ajaanib ah.

Published: Source: slashnews.co.uk

Related Articles