Ugu yaraan sagaal ruux oo rayid ah ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen weeraro madaaafiic ah oo shalay Muqdisho la isku weydaarsaday.
Madaafiicda ayaa timid kadib markii xoogagga mucaaradku ay madaafiic ku duqeeyeen dekadda Muqdisho, halkaas oo lashaeegay in uu ku soo xirtay markab shixnad meleteri siday.
Markabka ayaa la sheegay in ay galbinayeen dayaarado dagaal iyo maraakiib kale.
Lama sheegin wax madaafiic ah oo dekadda ku dhacay, waxayna dhammaantooda ku habsadeen xaafado kamid ah Xamar Jajab iyo Xamar Weyne, halkaas oo dad ay ku dhinteen.
Madaafiic jawaab u muuqatay ayaa iyana ku dhacday xaafado kamid ah Wardhiiglay.
Saraakiisha caafimaadka ayaa sheegay in xaafadaha madaaficdu ku dhacday ay ka qaadeen dad 15 kor u dhaafaya, kuwaas oo dhamaantood dhaawacyo ahaa, waxaana dad goob joogayaal ah ay sheegayaan inay 9 ruux ku dhinteen weerarada.
Dowladda Soomaaliya iyo mucaaradka ayaanan midkoodna ka hadlin weeraradaasi.
Jamaam Cismaan
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia