Khamiis, July 23, 2009: Dagaal xooggan oo la isugu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa habeenkii xalay ahaa wuxuu ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya.
Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa wuxuu ka dhacay xaafado ka tirsan Degmooyinka Hodan iyo Howl-Wadaag, gaar ahaan xaafadaha u dhow Wadada Makka Al-Mukarrama.
Dagaalka ayaa intii uu socday waxaa la isugu adeegsaday madaafiic xooggan oo qaarkood lagu weeraray fariisamada Ciidamada Amisom, halka kuwo kalena lagu garaacay xaafado u dhow Suuqa Bakaaraha.
Khasaaraha ka dhashay dagaalkii xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu gaarayaa dhimashada 25 ruux iyo dhaawaca dad kale oo ku dhow 50 ruux, waxayna dadkasi u badnaayeen dad rayid ah oo ay guryahooda ugu tageen madaafiic habow ah.
Dagaalkan ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan xarakada shabaabul mujaahidiin ay sheegtay in ay dagaal weji cusub la geli doonto Ciidamada Amisom ee ku sugan, waxayna sheegeen in ay Ciidamada Amisom si toos ah ugu soo biireen dagaallada ka socda Magaalada Muqdisho.
Dhanka kalena, Xaafado ka tirsan Degmooyinka Boondheere, Wardhiigley iyo Kaaraan ayaa saaka waxaa lagu duqeeyay madaafiic xooggan kuwaasi oo ka soo dhacayay dhinaca Ciidamad Amisom, lamana oga ilaa iyo haatan in madaafiicdaas ay khasaare geysteen iyo n kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online