Dagaalo & duqeymo ka dhacey magaalada Muqdisho


Ugu yaraan 5-qof ayaa ku dhintay 15-kalena way ku dhaawacmeen duqeymo ay DF iyo mucaaradkeedu shalay [Jul 16] isku waydaarsadeen Magaalada Muqdisho, iyadoo dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay ahaayeen rayid.

Madaafiicda sababay khasaarahan ayaa ku dhacay degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Wardhiigley oo ay gacanta ku hayaan xoogaga Islaamiyiinta ah iyo degmada Xamarweyne oo ay gacanta ku hayso Dowlada.

Goobjoogayaal ku sugan Suuq Bacaad iyo Isgoyska Siinaay ayaa sheegay in tiro ka badan 40-gantaal oo isugu jiray rasaasta Taangiga iyo hoobiyeyaal ay ku dhaceen deegaanadaas oo horay looga guuray.

"Dadka dhintay ayaa waxay ahaayeen dadkii ilaashanayay guryahooda, waxaana sido kale ku dhaawacmay dad kale oo iyaguna waardiyeyaal ahaa... duqeyntu waxay ahayd midii ugu cuslayd todobaadyadan oo ay la kulmaan" ayuu yiri goobjooge ku sugan Suuq bacaad.

Todobada qof oo rayid ah ayaa ku dhaawacmay hoobiyeyaal dhanka mucaaradka ka yimid oo ku dhacay degmada Xamarweyne, taasoo ka mid ah degmooyinka aysan dagaalada ka socda Muqdisho weli saameynta ku yeelan.

Howlwadeenada Ampulace-yada Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in dhaawacyadii ka dhashay duqeymahaas gaarsiiyeen Isbitaalada Kaysaney iyo Dayniile, iyadoo duqeyntu ay socotay ilaa xalay fiidkii.

Magaalada Muqdisho ayaa wixii ka dambeeyay bilowgii todobaadkan aysan ka dhicin dagaalo u dhexeeya DF iyo kooxaha ka horjeeda, iyadoo dagaalo dhacay Sabtidii iyo Axadii ay dowladu ka gaartay guulo, ayna ka qaybgaleen ciidamada AMISOM.

Published: Source: garoweonline.com

Related Articles