Galkacyo: 3 Dhimasho ah, 2 Dhaawac ah Dagaal Beeleed ka Dhacay Baxdo Gaabo


Friday, November 26, 2004 at 09:08

Galkacyo, 26.11.04 (AllPuntland) - 3 qof ayaa geeriyootay, 2 kalena waa ay ku dhaawacmeen deegaanka Baxdo Gaabo oo ka tirsan Gobolka Mudug dagaal beeleed dhexmaray laba beelood oo wada daga miyiga gobolka Mudug.

Dadka dhaawacu ayaa hadda lagu dawaynayaa Cusbitaalka Guud ee Gaalkacyo sida ay AllPuntland u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah oo aan kala xiriirnay cusbitaalka.

Dagaalka oo dhexmaray dad reer guuraa ah oo ayaa soconayay qaddar saacado galabnimadii shalay, inkasta oo uu markii dambe uu iskiis u joogsaday.

Mar aan la xiriirnay mas'uuliyiin ku sugan Koonfurta magaalada Gaalkacyo ayay sidoo kale noo xaqiijiyeen in dagaaladan ay ku lug leeyihiin aano qabiil, iyo dagaallo hore uga dhacay deegaanada Qaydarro iyo Balli Guud halkaasi oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen beelaha Sacad iyo Saleebaan oo kawada tirsan bahwaynta Habargidir.

Illaa iyo hadda ma jirto cid u tafaxaydatay in ay joojiso colaadda dib uga soo cusboonaatay reer guuraaga deegaanka Baxdo Gaabo.

Waanwaantii horay ay uwadeen odyaaal katirsan deegaanka Cadaado ayaa joogsatay kadib markii niman hubaysan ay dileen 5 ka mid ah ergadii nabaddoonka ahayd oo uu ka mid ahaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Cadaado Marxuum Maxamed Maxamuud Suuleey.

CCC Farayaamo
AllPuntland.com

Published: Source: allsomalianews.com

Related Articles