Waxaa degan saakay xaaladda Magaalada Muqdisho gaar ahaan deegaanadii ay dagaaladu ka dhacayeen ee Dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho.
Degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid iyo Shibis oo ahaa degmooyinkii shalay iyo dorraad ay kasocdeen dagaallada ayaa laga dareemayaa deganaan, waxaana saakay aanu jirin wax dagaalo ah.
Dagaalladaasi ayaa ay sababeen in ay ku dhaawacmaan dad aad u fara badan iyadoo sidoo kale dagaaladaasi ay sababeen in ay ku geeriyoodaan dad aanan tiradooda horey loo arkin.
Waxaa sidoo kale uu sababay dagaaladii ugu dambeeyay ee Muqdisho in ay ka barakacaan dad aanan horey waligooda u barakicin iyadoo degmooyin aanan abid laga cararinna uu sababay in laga wada cararo oo illaa iyo hadda kalsooni lagu qabi waayo.
Xaaladad deganaanta weli waxaa ku dheehan shaki aad u xoogan waxaana illaa iyo hadda aanan la ogeyn inta uu ay sii deganaan doonto Muqdisho gaar ahaan degmooyinkani ugu dambeeyay ee lagu dagaalamay.
Related Articles
Dagaaladii Muqdisho oo socda
Somalia