Boosaaso: Wasiirkii hore ee maaliyadda Puntland Siciid Cadduur oo maanta lagu aasay Boosaaso


Boosaaso(AllPuntland)-Waxaa maanta aas qaran loo sameeyay masuul horay u soo qabtay wasaaradaha maaliyadda iyo caafimaadka Puntland oo lagu magacaabo Siciid Maxamed Maxamuud(Cadduur).

Marxuum Cadduur oo xalay ku geeriyooday Isbitaal ku yaalla magaalada Boosaaso ayaa waxaa aaskiisa kasoo qayb galay masuuliyiin ka socda golayaasha dawladda , maamulka gobolka Bari , degmada iyo cuqaal kala duwan.

Wasiirka arimaha diinta iyo awqaafta Puntland ahna kusimaha madaxwaynaha Barkhad Cali Saalax, iyo wasiirka dawladaha hoose iyo horumarinta reer miyiga Cali Cabdi Awaare ayaa kamid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay aaska marxuumka.

Allaha u naxariistee Siciid Cadduur ayaa lagu aasay qabuuraha biyo kulule ayadoo masuuliyiintii iyo dadwaynihii aaska kasoo qayb galayna ay u duceeyeen.

Siciid Cadduur wuxuu muddooyinkii ugu danbeeyay ka maqnaa masaraxa siyaadadda Puntland asagoo ka cabanayay xanuunnno kala duwan.

Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun

CCC Farayaamo

AllPuntland

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles