Garowe: Xukuumada Somaliland oo Cafis u Fidisay Dhibane Samsam Axmed Ducaale


Wednesday, February 02, 2005 at 16:04

Garowe, 02.02.05 (AllPuntland) - Wararka naga soo gaaraya Magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland uu Cafis u fidiyay Dhibane Samsam Axmed Ducaale oo in muddo ah ku xirnayd xabsiga dhexe ee Hargeysa ka dib markii lagu soo eedeeyey inay shirqool u maleegaysay Madaxweyne ku Xigenka Soomaaliland.

Warka ayaa waxaa na soo gaarsiiyay saxafi madax bannaan oo ka tirsan Shabakadda Suxufiyiinta Puntland oo la yiraahdo Max’ed Cabdi oo ku sugan Magaalada Hargeysa, waxaana uu noo sheegay in Cafiskaani ay Soomaaliland u fidisay dhibane Samsam uu ku yimi kadib markii ay waalidiinta Samsam Axmed Ducaale u qoreen Madaxda Soomaaliland iyo Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha u dooda in cafis loo fidiyo Samsam, waxaana xooga arrintaasi saaray Hay’adaha Xuuqul aadanaha u jooga Hargeysa.

Dhibane Samsam oo u dhalatay Puntland ayaa waxaa lagu eedeeyey in ay shirqoolaysay Madaxweyne ku Xigeenka Soomaaliland Md. Axmed Yusuf Yasin inaksta oo mudadii ay xabsiba ku jirtay ay sheegtay in lagu gabood falay, loona gaystay dhibaatooyin badan oo jirdil iyo kufsiba isugu jira, meel ka dhac weynna ku ah dhaqanka Somalida, kan Islaamka iyo kan bini'aadamkaba. Waxaa intaas u sii dheeraa mas'uuliyiinta sar sare ee Soomaaliland oo ka bixinyay warbixinno lid ku ah Xuquuqda Aadamnimo iyo midda dumarnimo ee Samsam.

Wasiirka Caddaladda Soomaali Land Axmed Cali Casaawe ayaa shalay u sheegay Saxaafadda in Madaxweynaha SoomaaliLand uu cafis u fidiyay Samsam lana siidaynayo.

Samsam ayaa waxaa la filayaa in ay dhawaan Hay’adaha Xuquuqul Aadamku u soo qaadaan Puntland iyada oo la baari doono xaaladeeda caafimaad.

Faarax Yusuf Nuur (KK)
AllPuntland

Published: Source: allpuntland.com

Related Articles