34 qofood oo Somali ah ayaa ku dagtay agagaarka xeebaha wadanka Liibiya

Doon ay saarnaayeen 34 qofood oo Somali ah ayaa ku dagtay agagaarka xeebaha wadanka Liibiya

Habeenimadii Jimcahii abaarahii 11kii habeenimo ayaa Doon ay saarnaayeen 34 Qofood oo Somali ahi ay ku dagtay agagaarka Xeebaha Liibiya, 4 qof kaliya oo midi tahay Gabar ayaa ka badbaaday dhamaan dadkii saarnaa, 30kii kalana waa ay ku geeriyoodeen.

Sida lagu soo waramayo markii ay doonida ka dhaqaaqday xeebaha Liibiya oo ay socotay mudo hal saac ah ayaa waxaa gudaha doonida soo galay biyo, Dhamaan dadkii saarnaana waxay isku raaceen inaan dib loo noqon oo safarkooda ay sii wataan, afar saac ka dib ayaa sida lagu soo waramayo ay Doonidii laba u kala go'day taasoo sababtay in ay dagto

Masiibada noocan ah oo aan ahayn mid ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ayaa waxaad moodaa in aanay wali ku waano qaadan kuwii horay uga dhacay Liibiya, Yaman iyo xeebaha Soomaaliyaba, sida lagu soo waramayo wali somali fara badan ayaa ku sugan wadanka Liibiya iyagoo isku diyaarinaya inay ku tahriibaan Dooniyo aan diyaar u ahayn inay galaan safar dheer iyo iyagoo dadka ka ganacsada tahriibkaa ay mar walba saaraan doonyahaa dad ka badan dadkii loogu tala galay.

Waxaan isku daynay inaan helno magacyada dadkii ku geeriyooday hase yeeshii wali inooma suurto galin waxaanse rajaynaynaa inaan raadino intii awoodeena ah

C/qaadir Mustaf Xerow
tripoli Liibiya

Somalia | News | |